Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa xalay u guuray aqal ku yaalla Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo wararku sheegayaan inuu ka sii wadi doono abaabulka banaanbaxa mucaaradku qorsheeyeen inuu ka dhaco 4-ta Juun.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal uu xalay jeediyey ku dhaliilay dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in banaanbaxa la qorsheeyey aanu dib u dhac ku iman doonin. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan isu soo baxa, isaga oo xusay in goobaha rasmiga ah ee lagu qabanayo ay mucaaradku si gaar ah u shaacin doonaan.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis iyo baaqyo ka imanaya saaxiibada caalamiga ah. Dalal iyo hay’ado caalami ah, oo ay ka mid tahay Mareykanka ay ku booriyeen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Beesha caalamka ayaa ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ee sii socda ay horseedi karaan xaalado amni darro iyo xasillooni la’aan siyaasadeed, haddii aan xal wadajir ah laga gaarin arrimaha taagan.




