Konlonyo uu la socday Madaxweynaha Puntland oo qarax lala eegtay

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta qarax nooca miinada dhulka lagu aaso Boosaaso lagula eegtay kolonyo galbineysay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Qaraxa ayaa kolonyadaas lagula beegsaday afaafka hore ee Boosaaso, xilli ay gudaha sii galayeen magaaladaasi.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 4 afar kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda bulshada ee Internet-ka.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Boosaaso oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here