Koonfur Galbeed oo Amar Ka Soo Saartay Duulimaadyada Garoomadeeda

0

Baydhabo – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan duulimaadyada ka degaya deegaannadeeda.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in diyaarad kasta oo aan haysan ogolaansho rasmi ah oo ka timid maamulka Koonfur Galbeed aysan ka degi karin garoomada diyaaradaha ee maamulkaasi.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu dhaqan galay bartamihii bishan Maarso 2026, iyadoo sidoo kale la xusay in duulimaadyo gaar ah sida kuwa Qaramada Midoobay loo ogolaan karo sababo bani’aadamnimo.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in cid kasta oo jebisa amarkan ay la kulmi doonto tallaabooyin adag, iyadoo lagu adkeeyay in masuuliyadda cawaaqibka ka dhasha ay qaadi doonaan kuwa ka dambeeya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo arrimo amni oo ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka diyaaradaha.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here