Muqdisho – Odayaasha dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sameeyo dib-u-heshiisiin ballaaran oo ka dhaqan gasha deegaannada maamulkaasi.
Odayaasha ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo ay ku doonayaan in lagu heshiisiiyo dhinacyada mucaaradka iyo muxaafidka ee Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in aysan aqbali karin in khilaafaadka jira ay sababaan burbur ku yimaada maamulka hortooda.
Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka, Suldaan Warsame Suldaan Aliyow Suldaan Ibrow, ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen ay tahay mid lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DAAWO.



