Sawirro: Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dil toogasho ah ku fulisay laba nin

0

BAYDHABO (SMN) – Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka xukun dil toogasho ah oo ay horay u riday ku fulisay laba nin oo lagu helay inay dilal ka geysteen magaalada Baydhabo.

 

Labada nin ee qasaasta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo saaka tiirka la geeyay, laguna fuliyay dilka.

Aadan Cali Cabdi ayaa horay u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullaahi Mukhtaar, halka Maxamed Geedow Nuurow uu isaguna horay u dilay Marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey, sida ay shaaca ka qaaday maxkamaddu.

Sidoo kale fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dadweyne kale oo la’isugu yeeray halkaasi.

Toogashadan ayaa tirada guud ee sanadkan 2023-ka lagu dilay Koonfur Galbeed ka dhigeysa lix qof, kuwaas oo lagu helay inay dilal gaysteen iyo kuwo ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here