Koonfur Galbeed oo ka hortimid jadwal kasoo baxay guddiga doorashooyinka

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hortimid jadwalkii xalay ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ee ku aadanaa xareynta iyo dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in guddiga iyo ra’iisul wasaaraha aysan wax kaalin ah ku laheyn soo xareynta iyo dhaarinta xildhibaanada la doortay.

Halkan hoose ka aqriso:- 

WAR-SAXAAFADEED

JADWALKA ISU YEERISTA IYO DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQALKA EE SOO BAXAY WAA TALLAABO SHARCI DARRO.

BAYDHABO, 16ka Maarso 2022: Dowladda  Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.

Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here