Koonfur Galbeed oo soo gabagabeysay doorashada Golaha Shacabka

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa soo gabagabeeyey doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, iyada oo todobadii kursi ee u dambeysay maanta lagu doortay Baydhabo.

Kuraastan oo kala Hop#047, Hop#172, Hop#164, Hop#197, Hop#204, Hop#181 iyo Hop#179, waxaana ku soo baxay:-

1-Xaawo Sokor Cali oo  ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047.

2-Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo  ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172.

3-Maxamed Abuukar Cabdi oo ku guuleystey kursiga Hop#164.

4-Cumar Cali Balash oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#197.

5-Isaag Cali Subag oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#204.

6-Maryan Macalin Isaag oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#181.

7- Maxamed Keerow Maxamed oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#179

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here