Mareykanka oo war ka soo saaray booqashada uu Biixi ku joogo dalkaasi

0

WASHINGTON (SMN) – Waaxda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa soo dhaweysay booqashada madaxweynaha Somaliland uu ku tagey halkaas.

Mareykanka wuxuu sheegay in Somaliland ay kala shaqeynayaan xoojinta xiriirka balse wuxuu ku xiray shuruudda ah in uu ku qaabilyo ‘xeyndaabka siyaasadeed’ ee ka yaallo Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneyaan maanta fursadda aan kula kulmeyno Muuse Biixi si looga hadlo xoojinta wadasheynta Mareykanka ee Somaliland iyadoo aan ku qabileyno xeyndaabka siyaasadeed ee nooga yaallo Soomaaliya”.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaana khudbadda soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka, wuxuu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Somaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here