Kooxo hubeysan oo maanta dil qorsheysan ka geystay Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee wiil lagu magacaabi jiray Zakariye Saciid oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada haldoorka ah, wuxuuna u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo ay horey uga dhaceen colaad beeleedyo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi kuwaas oo haatan la weydiinayo su’aallo dheeraad ah.

Inta badan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah ka fuliso Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here