Ku dhawaad 100 muhaajiriin ah oo doon ay kula degtay badda Meditareeniyaanka

0

ROMA (SMN) – In ka badan 90 muhaajiriin ah ayaa dooni ay la socdeen ku dagtay badweynta Meditareeniyaanka kadib markii ay kasoo safreen dalka Liibya si u gaaraan dalalka Yurub.

Hay’adda Q.M u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in sadexdii bilood ee ugu dambeysay ay badweyntaasi ku geeriyoodeen 300 oo qof oo muhaajiriin ah.

Maalmihii u dambeeyey waxaa sii kordhayay muhaajiriinta ku qul-qulaya dalalka Yurub, si ay u helaan nolol dhaanta dalalkii ay kasoo tageen oo ay ka mid ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here