Ku dhawaad 80 qof oo shuban-biyood ku dilay Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ugu yaraan 75 qof ayaa Soomaaliya ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tan iyo bishii Jan. ee sanadkan, iyadoo ay sare u kaceen kiisas cusub ee la dhigayo isbitaalada dalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowlada Federaalka.

 

Waxaa illaa hadda la diiwaangeliyay 7,235 xaaladood oo cusub. Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ayaa sheegtay in 64 boqolkiiba ay yihiin bukaanada kuwa daran xaaladoood.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka 51 boqolkiiba, waxay ahaayeen dumar dadka uu soo ritay shuban biyoodka, taasoo muujineysa u nuglaanshaha haweenka ee caabuqa.

Cudurka ayaa inta badan loo aaneynayaa in ay sabab u tahay in dadka aan haysan biyo nadiif ah iyo fayadhowr ku filan.

Daadad ka dhashay El Nino oo dhacay dalka 2023 ayaa si weyn u saameeyay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, taasoo keentay in uu sare u kaco kiisaska shuban-biyoodka.

Sannadkii 2023, in ka badan 18,300 xaaladood oo xanuunka ah ayaa la diiwaangeliyay iyo 46 dhimasho ah.

Midowga Yurub oo ka digay in lacag madax-furasho la siiyo burcad-badeeda Soomaaliya

Howlgalka Ururka Midowga Yurub ayaa soo saarey digniin ku saabsan lacagaha madax-furashadda ee la siinayo burcad-badeeda Soomaaliya, maadaama ay dhiira-gelinayso afduubka maraakiibta mara biyaha Badweynta Hindiya iyo kuwa gacanka cadmeed.

War kasoo baxay howlgalka ATLANTA ayaa lagu sheegay in lagu deg degay go’aankii todobaadkii hore ay shirkad Bangaladesh ah ku bixisay $5 milyan oo dollar oo madaxfurasho ah taasoo burcad-badeeda kusii daayeen markabka MV Cabdullah iyo shaqaalihiisa oo illaa 23 gaaraya.

Maraakiibta ku safra xeebaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan iyadoo la eegayo khatarta burcad badeedda ee dhawaanahan soo korortay.

Howlgalka Atalanta ayaa sheegay in bixinta madaxfurasho ay abuuri karto mowjado cusub oo afduubyo doon ah taasoo mustaqbalka horseedi karta weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

Bishii hore, ciidamada kumaandooska Hindiya ayaa soo furtay markab la afduubtay bishii December, oo lagu magacaabo MV Ruen, oo ka babanaayay calanka Malta, waxaana ay qabteen 35 nin oo lagu eedeeyay burcad badeed kuwaasoo la geeyay Mumbai si loo maxkamadeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here