Maxamuud Macallin oo Turkiga kala hadlay kordhinta gargaarka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka dalka Turkiga Ambassador Alper Aktas, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan ay hoggaanka SoDMA la yeesheen madax ka socotay hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan, sida; Turkiye Diyanet Foundation iyo Turkish Red Crescent (Kizilay).

 

Kulanka oo daba socday is arag sanadkii hore ka dhacay dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray, daba-galidda wixii ka dhaqan galay mashaariic hore u socotay iyo ballan-qaadyo hor leh oo ay ka mid yihiin bixinta gawaarida ka shaqeeya gargaarka deg degga ah, sida; aambalaasyada & dabdamisyada, garab istaagga beeraleda Soomaaliyeed iyo sara u qaadidda kartida iyo aqoonta shaqaalaha hay’adda.

Kulanka waxaa sidoo kale la isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay kordhinta gargaarka bani’aadannimo, iyadoo la guda galay xilli roobaadka Guga (Gu’), lagana cabsi qabo fatahaado sababa khasaaro iyo barakac bulsho, halka la isku raacay in si dhow loo wada-shaqeeyo isla-markaana deeqaha bani’aadannimo ee hay’adaha Turkiga ay noqdaan kuwa ku baxa ogaalka iyo ka warqabka Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here