Ku dhowaad 100 qof oo bishan November ku dhintay gudaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, dadka ku dhintay fatahaadda wabiyada iyo daadadki ka dhashay roobka deyrta ee wali ka da’ya qeybo ka mid ah Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 96 qof.

 

SONNA, ayaa tirada dhimashada rasmiga ah ka soo xigatay agaasimaha hey’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka, hase yeeshee wariyaha VOA-da ee Soomaaliya ayaa ku soo warramaya in aad looga cabsi qabo in tirada ay intaasi ka badato maalmaha soo socda.

Khubarrada caafimaadka ayaa goor hore ka digay, suurtagalnimada dillaacista xannuunada faafa sida shuban-biyoodka, mallaariyada iyo wixi la mid ah, gaar ahaan deegaannada ay wali dad ku hareen ee ay saameeyeen fatahaadda.

Wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa si aada oo dhif iyo naadir ah ugu fatahay, degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Shabeellooyinka, Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan.

Sidoo kale, daadad ka dhashay roobka guga ayaa garqiyay magaalooyin iyo degmooyin ku yaalla Mudug, Galguduud, Bay iyo Bakool. Roobka ayaa wali da’aya qeybo ka mid ah Soomaaliya, halka fatahaadaha ka dhashay wabiyadda Jubba iyo Shabelle ay waaga ku sii socdaan magaalooyinka ay barakiciyeen.

Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya ay ka mid noqotay kuwi ugu xumaa ee uu dalku arko muddo tobnaan sano ah. Waxay kaloo sheegtay in ilaa iyo hadda ay ku barakaceen dad ka badan 700 oo kun oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here