Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab culus u gudbiyay BF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka federaalka kala hadlay arrimo ku aadan heshiiskii ay horay u gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee wax looga beddalayo dastuutka KMG ka ah.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid siyaaasadeed, ayna gaareen hoggaamiyeyaasha dalka, gaar ahaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan ay wadatashi kala sameeyeen dhankooda xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah, si loo dhageysto talooyiinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday labada Gole ee BFS inay go’aan ka gaaraan dhammeystirka dastuurka oo uu tilmaamay inuu muhiim u yahay mustaqlka dadka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa shalay madaxweynaha waxa ka sheegay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee baarlamaanka labada Aqal, isaga oo u jeediyay khudbad dastuuri ah oo uu uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan fatahaadaha, dagaalka Al-Shabaab, dayn cafinta, dhaqaalaha, xiisadda Puntland, dib u dhaca doorashada Somaliland, dagaalkaka Sool iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here