Nairobi, Kenya — Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya dalka Kenya ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, burbur hantiyeed, iyo barakac ballaaran, iyadoo tirada dadka ku dhintay fatahaado iyo dhul go’ ay kor u dhaaftay 18 qof, sida ay xaqiijiyeen Booliska Qaranka Kenya.
Dhul go’yo iyo fatahaado ayaa laga soo sheegay ismaamulada Tharaka Nithi, Elgeyo-Marakwet, iyo Kiambu, kuwaas oo ku yaalla bartamaha iyo bariga dalka. Roobab xooggan oo maalmahan halkaas ka da’ayay ayaa sababay xaalad adag oo saameysay bulshada deegaanka.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay muujinayaan halista sii kordheysa ee ka dhalan karta isbeddellada cimilada iyo xaaladaha roobabka culus ee ka jira dalka.
Roobabka ayaa sidoo kale sababay burbur ba’an oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo guryaha, iyadoo boqolaal qoys ay ku khasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda.
Kenya ayaa haatan ku jirta xilli roobaadkii caadiga ahaa ee soconaya bilaha Maarso ilaa May, hase yeeshee sanadkan ayaa la sheegay in heerka roobabku uu aad u sarreeyo, taasoo sii kordhisay halista fatahaadaha iyo musiibooyinka la xiriira cimilada.
Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa ka digay in xaaladdu ay sii xumaan karto haddii roobabku sii socdaan, iyagoo ugu baaqay shacabka inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.



