Muqdisho — Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu weheliyo Taliyaha Xabsiga Dhexe, Daahir Cabdulle Raage, ayaa booqasho ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda, Muqtaar Roobow Cali.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Awqaafta, gaar ahaan dhinacyada amniga, wacyigelinta, iyo dib-u-habaynta maxaabiista.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda doorka muuqda ee ay ka qaadato taageeridda ciidamada, isaga oo xusay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay si joogto ah uga qeyb qaadato barnaamijyada wacyigelinta maxaabiista iyo kor u qaadista akhlaaqda iyo toosinta bulshada ku jirta xabsiyada.
Dhankiisa, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-habaynta maxaabiista, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidanka Asluubta, oo ay ka mid tahay bixinta Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo barnaamijyada wacyigelinta diineed.



