Maleeshiyaad hubeysan oo haweeney xaamilo aheyd ku dilay Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qaybo ka mid ah gobolkaasi ay dil ka geysteen maleeshiyaad hubeysan.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay haweeney xaamilo aheyd, sidoo kalena ka mid aheyd dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanka Kaxandhaale.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano Qabiil, waxaana goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkaasi.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo noq-noqday dagaal beeleedyada oo saameyn xoogan ku yaashay nolosha dadka shacabka ah ee ku dhaqan Galgaduud iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here