Kulanka dhalinyarada & siyaasada oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0

Agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr; Cabdiwali Axmed Maxamed ayaa sheegay in la joogo xilligii ku habboonaa ee dhallinyarada Galmudug loo jiheyn lahaa ka qeyb-qaadashada arrimaha siyaasadda dalka.

Dr; Cabdiwali ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo lagu gorfeynayay doorka dhallinyarada ee ku aaddan ka qeyb-qaadashada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho dad weyne oo lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa intaa ku daray in kaalinta da’yartu laga ballaariyo is-dhexgalka xagga Sportiga, sarena loo qaado hankooga xagga siyaasadda ah, taas oo natiijadeeda dambe ay iyagu heli doonaan.

Madaxa madasha doodaha iyo cilmi baarista Galmudug, Sowdo Ciise Siyaad ayaa sheegtay inay tahay mid muuqato muhiimadda ay dhallinyaradu u leedahay ka qeybqaadashada arrimaha siyaasadda balse ay jiraan caqabado.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay madasha doodaha iyo cilmi baarista ee Galmudug oo kaashanaysa isu tagga Ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa loogu baaraandegay sidii ay da’yartu ula jaan-qaadi lahaayeen siyaasadda dalka qeybna ugu noqon lahaayeen doorasho dadweyne oo dalka ka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here