Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Boostada Adduunka

0

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo shalay ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Agaasimaha Boostada, Md C/fataax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada Soomaliya ee UPU sanadkii 2019-ka.

Doorashadii shalay dhacday ayaa loo doortay Masahiko Metoki oo u dhashay Japan (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here