Kulan Ololaha Wacyigelinta Kansarka Naasaha oo Ka Qabsoomay Muqdisho

0

Muqdisho – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa ka qayb gashay kulan ku saabsanaa ololaha baaritaanka, wacyigelinta iyo la-talinta kansarka naasaha.

 

Kulanka oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday qaybaha kala duwan ee bahda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Ololaha ayaa diiradda lagu saaray sidii haweenka loo bari lahaa calaamadaha hore ee kansarka naasaha, loo dhiirrigelin lahaa baaritaannada joogtada ah ee xarumaha caafimaadka, isla markaana la-talin caafimaad loo siin lahaa dadka qaba ama ka welwelsan cudurka.

Bisha Oktoobar ayaa caalamka laga xusaa wacyigelinta kansarka naasaha, iyadoo khubarada caafimaadku ay tilmaamaan in marka cudurka goor hore la ogaado ay sare u kacdo fursadda daaweyntiisa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa carrabka ku adkeysay in Wasaaradda Caafimaadku ay mar walba u taagan tahay badbaadinta nolosha muwaadiniinta. Waxay sidoo kale xustay in wasaaraddu ay ka go’an tahay kor u qaadista wacyiga caafimaadka iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Dr. Maryama ayaa ammaanay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bahda caafimaadka, iyadoo tilmaantay in dadaallada noocan oo kale ahi ay muhiim u yihiin yaraynta khasaaraha uu cudurkani geysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here