Kampala: Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa Soomaaliya u diray Guutada Dagaalka 48-aad (Battle Group 48), taas oo ka mid noqon doonta howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Diritaanka ciidamadan ayaa yimid kaddib markii ay soo dhammaysteen tababar loogu diyaar-garaynayay howlgalka, kaas oo ka dhacay Xarunta Caalamiga ah ee Tababarka Howlgallada Taageerada Nabadda (IPSO-TC), oo ku taalla Singo, degmada Nakaseke ee dalka Uganda.
Taliyaha Ku-xigeenka Ciidamada Dhulka Uganda, Sareeye Guuto Felix Busizoori, ayaa ciidamada ku boorriyay inay ilaaliyaan wada-shaqeynta, anshaxa iyo dadaalka, si loo xaqiijiyo guusha howlgalka ay ka fulin doonaan Soomaaliya.
“Markaad u shaqeysaan sidii koox, waxaad u guuleysan doontaan idinkoo koox ah, waana wada soo laaban doontaan,” ayuu yiri.
Sareeye Guuto Busizoori ayaa sidoo kale uga digay ciidamada inay ku kacaan dhaqan-xumo, wuxuuna ku adkeeyay inay ilaaliyaan heerka ugu sarreeya ee daacadnimada iyo sharafta, isagoo xusuusiyay in hab-dhaqankoodu uu ka tarjumayo sumcadda Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF).
“U dhaqma sidii iyadoo qof walba idin daawanayo,” ayuu ku yiri ciidamada.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xiriir wanaagsan lala yeesho bulshada deegaanka, isaga oo xusay in arrintaasi ay door weyn ka qaadatay guulihii ay ciidamada UPDF ka gaareen howlgalladii hore.
Dhanka kale, wuxuu uga digay ciidamada isticmaalka aan habboonayn ee baraha bulshada, isaga oo sheegay in arrintaasi ay wiiqi karto diyaar-garowga howlgalka, isla markaana ay ciidamada gelin karto khataro amni. Wuxuu xusuusiyay in isticmaalka baraha bulshada ee aan fasaxa loo haysan uu yahay fal ciqaab mutaysanaya, sida ku cad shuruucda ciidanka.
Taliyaha Xarunta IPSO-TC, Gaashaanle Moses Nabaasa, ayaa isaguna ciidamada ku boorriyay inay ilaaliyaan anshaxa, isla markaana si buuxda u fahmaan qiyamka iyo mas’uuliyadaha ka saaran adeegga ciidannimo.
Isagoo tixraacayay tilmaamaha uu bixiyay Taliyaha Guud ee Ciidamada UPDF ahna Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayuu Gaashaanle Nabaasa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leeyihiin anshaxa, waddaniyadda iyo fahamka ujeeddada adeegga ciidannimo.
Wuxuu sheegay in tababarka loo qaabeeyay ujeeddada ugu weyn ee ah in ciidamada loo diyaariyo ka qaybgalka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada nabadda.
Gaashaanle Nabaasa ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan wada-shaqeyn, waddaniyad iyo mabda’a midnimada Afrika (Pan-Africanism) inta ay ku guda jiraan howlgalka Soomaaliya.
“U aada howlgalka idinkoo ah hal Guuto Dagaal. Waxaad u tababarteen inaad koox ahaan u shaqeysaan. U dagaallama oo ku guuleysta idinkoo koox ah, ku dhaqma anshax wanaagsan, mar walbana ilaaliya qiyamka Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF),” ayuu yiri.
Xafladda sagootinta iyo diritaanka Guutada Dagaalka 48-aad waxaa ka qaybgalay saraakiil sarsare iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dadka Uganda.




