Wada-hadallo xasaasi ah oo u socdo Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan ka socda kulan gaar ah oo u dhexeeyo madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee ka dhashay hab maamulka doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan laga soo saro go’aanno la xiriira maamulka doorashada iyo sugida amniga guud ee Beledweyne.

Doorashada magaalada Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan iyo si qab qabsiyo siyaasadeed oo dib u dhigay qabashada kuraasta taalla halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here