Taliyaha Ciidanka Asluubta oo isku soo taagay kursi ka mid ah Golaha Shacabka

0

BAYDHABO (SMN) – Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa isku soo sharraxay kursiga HOP#172 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Taliye Mahad ayaa maanta shahaadada musharaxnimada ka guddoomay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Kursigan ayaa waxaa horay loo hadal hayey inuu doonayo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, balse qorshahaasi ayaa meesha ka baxay, iyadoo taliyaha loo xiray kursigaasi.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku howlan qabashada doorashada kuraastii ugu dambeysay ee ay deegaan doorashoodu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here