Labo caruur ah oo si arxan darro ahaa loogu dilay duleedka Baydhabo

0

Meydadka caruur si arxan darro ahaa loo dilay ayaa waxaa saaka laga helay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Caruurtan oo labo ahaa ayaa la waayey shalay galab, xilli ay aadeen Dugsi Qur’aan oo ku yaalla gudaha Baydhabo, waxaana saaka meydadkooda oo ay dhaawacyo culus ka muuqdeen lagu arkay duleedka magaaladaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in caruurtaasi marka la dilay, kadib lagala baxay kilyaha iyo beerka, waxaana dhacdadan ay argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka ah.

Labada caruur ee la dilay ayaa waxaa dhalay xildhibaan hore Macalin Aweys Cabdulaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo ugub ah shacabka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here