Maxay ka wada-hadleen beesha caalamka & qaar ka mid ah madax goboleedyada?

0

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo taageersan dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay isfaham-waaga ka taagan qabsoomidda wada-hadallada arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulankii lagu diyaarin lahaa ajandaha shirka guud.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa wakiilada Beesha Caalamka u sheegay in Puntland iyo Jubaland ay fashiliyeen shirka, islamarkaana aysan doonayn in doorasho dalka ka dhacdo.

Sidoo kale Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ayaa codsaday, in iyagana la fasaxo si ay dib ugu laabtaan Gobolladii ay ka yimaadeeen, balse wakiilada Beesha Caalamka ayaa diiday codsiga saddexdaas madax-goboleed.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxda Puntland iyo Jubaland iyagoo ka dhegaysan doona sababaha fashilka ku keenay shirkii Afisyooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here