Lafta Gareen oo la kulmay xildhibaannada kasoo baxay Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ku metelaya baarlamaanka Soomaaliya, maalmo kadib markii maamulkiisa uu soo gabagabeeyay doorashada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ku faanay in Koonfur Galbeed haysato xildhibaanada ugu badan ee maamulada dalka soomaaliya ka jira, , waxaa uu xildhibaanadda u sheegay in tiro badnidooda laga arko waxtar muuqda oo ay la yimaadaan.

“77 xildhibaan ayaa haysataa Koonfur Galbeed Soomaliya ,waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la’eg waxtarkeeda in Koonfur Galbeed laga arko oo ay ka muuqato,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Lafta Gareen ayaa xildhibaanada uga digay in la kala qeybiyo, isagoo sheegay iney ka shaqeeyaan oo kaliya midnimadooda iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here