Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabtay Kismaayo + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaaladaas oo ah deegaan doorashada koowaad ee Jubbaland.

Kuraastii u dambeysay ayaa doorashadooda lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxayna kala yihiin HOP#133 iyo HOP#219.

1-Maxamed Xasan Aadan ayaa ku guuleystay kursiga HOP#133, kadib markii uu tanaasulay musharax Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa.

2-Roodo Carab Cabdi ayaa kusoo baxday HOP#219 waxayna heshay 78 cod, halka Faadumo Cabdi Cali ay heshay 20 cod, sidoo kale waxaa xumaaday 3 cod.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ku haray doorashada 16 kursi oo taalla Garbahaarey, walow uu weli muran xoogan ka taagan yahay sida loo qabanayo doorashada kuraastaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here