Baydhabo – Xafiiska madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay hawlgal ka fuliyeen magaalada Baydhabo, kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu sugayay amniga, laguna soo celinayay xasilloonida iyo kala-dambeynta magaalada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Laftagareen ayaa lagu sheegay in hawlgalka uu ahaa mid lagu beegsanayay ciidamada uu bayaanku ugu yeeray “Salbalaar iyo Afbalaar”, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay si gardarro ah ugu soo duuleen deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii uu socday hawlgalku khasaare xooggan la gaarsiiyay ciidamadaas, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin tirada khasaaraha ama xaaladda ciidamada lagu sheegay inay hawlgalku beegsadeen.
Xafiiska Laftagareen ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay duqeymo lagu qaaday magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in lix gantaal lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen shacabka.
Bayaanka ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay duqeymaha iyo howlgalka militari ee Baydhabo inay qayb ka yihiin tallaabooyin lagu wiiqayo maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Xafiiska Laftagareen ayaa sheegay in duqeymaha loo adeegsaday diyaarado dagaal oo uu sheegay inay leedahay dowladda Turkiga, isla markaana ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray dad rayid ah iyo hantidooda.
Xafiiska madaxweynihii hore ayaa dhanka kale ammaanay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo sheegay inay ilaaliyeen shacabka iyo dadka rayidka ah intii uu socday hawlgalku, isla markaana ay muujiyeen dadaal ku aaddan difaaca dadka iyo sugidda amniga.
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu bogaadiyay shacabka Koonfur Galbeed, iyadoo loogu mahadceliyay taageerada ay muujiyeen ciidamada Daraawiishta intii ay hawlgalladu socdeen. Ugu dambeyn, Xafiiska Laftagareen ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka go’an yahay ilaalinta nolosha iyo karaamada shacabka, difaaca dowladnimada iyo dhowrista hay’adaha dastuuriga ah ee maamulka.




