Maamulka Aadan Madoobe oo Sheegay in Ciidamadiisu Jab Xooggan Gaarsiiyeen Kooxihii ay kula dagaalameen Baydhaba

0

Baydhabo – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa guul ka sheegtay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka lagu sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

 

Maamulka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhabo ay si geesinimo leh uga hortageen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaaday magaalada, kaas oo sida bayaanka lagu sheegay ku billowday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo maleeshiyaad is-miidaamin ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii uu dagaalku socday Al-Shabaab ay adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo lagu xiray walxaha qarxa, kuwaas oo sida maamulka uu sheegay ay hagayeen shakhsiyaad ajaanib ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa intaas ku daray in gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hoteello, goobo ganacsi, xarumo waxbarasho iyo caafimaad, guryo ay leeyihiin dad shacab ah iyo masaajiddo, iyadoo sidoo kale la sheegay in dhac loo geystay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, iyagoo ka hortagay isku daygii Al-Shabaab, isla markaana difaacay xarumaha iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Maamulka Aadan Madoobe ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen dagaalyahanno ajaanib ah, halka tiro kale oo intaas ka badanna lagu dhaawacay. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub noocyo kala duwan ah, halka gaadiid kale oo kooxdaasi lahayd la gubay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tacsi u diray shacabka iyo ciidamada lagu sheegay inay ku dhinteen weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay dagaalka. Dowladdu waxay shacabka Baydhabo ugu baaqday inay muujiyaan deggenaan, feejignaan iyo wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan laamaha amniga, si looga hortago falal kale oo amni-darro ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay in laga saaro Al-Shabaab deegaanada iyo degmooyinka maamulka, iyadoo xoogga la saarayo sugidda amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here