Lix Qof oo Hubeysan oo afduubey Markab Shidaal xeebaha Yemen, Soomaaliya U Jiheeyay

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Hay’adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay in lix qof oo hubeysan ay fuuleen markab shidaal oo marayay meel ka baxsan xeebaha Yemen, ayna la wareegeen gacan ku haynta markabka kadibna u jiheeyeen dhanka Soomaaliya.

 

UKMTO ayaa Khamiistii sheegtay in ay heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday qiyaastii 136 mayl-badeed, oo u dhiganta 252 kiiloomitir, bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen.

Markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, ayaa diray fariin degdeg ah xilli uu galbeed ugu sii jeeday Gacanka Cadmeed, isagoo sheegay in markab aan la fasaxin uu ku soo wajahan yahay.

UKMTO ayaa xaqiijisay in lix qof oo hubeysan ay fuuleen markabka, ayna hadda gacanta ku hayaan, iyagoo u weecinaya dhanka Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in mas’uuliyiintu baaritaan ku hayaan dhacdada, waxayna maraakiibta kale kula talisay inay si taxaddar leh u maraan aagga, ayna UKMTO soo gaarsiiyaan warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

UKMTO ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, sidoo kalena ma aysan caddeyn in markabka iyo shaqaalihiisa ay badqabaan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan dunida. Gacanka Cadmeed wuxuu isku xiraa Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee isku xira ganacsiga u dhexeeya Aasiya iyo Yurub.

Burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya ayaa si weyn u kordhay sannadihii 2000-meeyadii, iyadoo ay ugu sarreysay 2011, ka hor inta aanay hoos u dhicin kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah iyo tallaabooyin amni oo dheeraad ah oo loo sameeyay maraakiibta ganacsiga.

Si kastaba, weerarrada burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa tan iyo bishii Abriil mar kale si muuqata u kordhay, kadib in ka badan toban sano oo hawlaha noocan ahi ay aad u yaraayeen.

Wararka ayaa sheegaya in shan markab oo xamuul ah ay hadda gacanta ugu jiraan kooxo burcad-badeed ah, waxaana ku jira markab shidaal oo bishii Luulyo laga qafaashay meel qiyaastii 26 mayl-badeed, ama 48 kiiloomitir, u jirta gobolka Xadramowt ee Yemen.

Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2012, burcad-badeedda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen in ka badan 1,000 weerar, iyadoo lacag madax-furasho ah oo lagu qiyaasay $400 milyan laga bixiyay kiisaska afduubka.

Arrintaas ayaa dhalisay howlgallo caalami ah oo ballaaran iyo tallaabooyin amni oo dheeraad ah, kuwaas oo si weyn u yareeyay afduubyada maraakiibta, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 2013.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here