Muqdisho, Khamiis, 20 Agoosto 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka.
Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan amniga dalka , taas oo muujisay isbeddel togan oo laga sameeyay sugidda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horumar la taaban karo ka sameeyay goobaha la dagaalka, isla markaana jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.
Golaha, ayaa warbixin dhamaystiran ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda XFS, taasi oo ku saabsan Xisaab-xirka sanadeedka 2025, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu kordhay dhaqaalaha dalka boqolkiiba 3.1% gaar ahaan hal-beegga GDP-ga ee lagu qiyaaso dakhliga guud ee dalka soo gala.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo warbixinta kadib golaha hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan isku filnaansho dhaqaale, ka faa’ideysiga wax-soo-saarka dalka, khayraadka kale, kordhinta dakhli-uruurinta gudaha, dhiirrgalinta maalgashiga, xoojiyo daah-furnaanta dhaqaale iyo isla-xisaabtanka, iyo waliba beekhaaminta raasumaalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda ku ammaanay qiimeyntii uu ku sameeyay Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud oo markii ugu horreeysay maamulka maaliyadda dowladda siisay qiimeynta lagu magacaabo Aragti Nadiif ah oo ah tan ugu sarreysa oo ka tarjumeysa hufnaan.
Mudane Xamsa, waxa uu xusay in arrimaha dhaqaalaha dalkeennu uu si weyn uga soo kabanayo isla markaana uu gaari doono isku filnaan dhaqaale oo lagaga maarmi doono kaalmo shisheeye, taasi oo tarjumaysa adkeysiga bulshada Soomaliyeed.



