Maamulka Dayniile oo faah-faahin ka bixiyay qarax ka dhacay degmadaasi

0

DAYNIILE (SMN) – Maamulka degmada Dayniile ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari oo saaka ka dhacay degmadaasi.

 

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay koontarool ku yaalla agagaarka aargada Dayniile, isla-markaana ay ka hortageen ciidamada xasilinta caasimadda.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmay ugu yaraan lix qof oo shan kamid ah ay yihiin askar, halka qofka kalena uu yahay shacab.

Waa markii labaad ee ay ciidamada ammaanka ee degmada Dayniile ka hortagayaan qaraxyo uu sheegay in loo soo waday gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here