BARAAWE (SMN) – Guddiga SEIT ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doorashada lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ku qabtay magaallo xeebeedka Baraawe.
Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah: Hop-062, Hop-251, Hop-195, Hop-187, Hop-057 iyo Hop-194, waxaana kursi ka mid ah kusoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo loo doortay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187 ee Golaha Shacabka.
Halkan hoose ka aqriso magacyada xubnaha soo baxay:-
1-Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187.
2-Aweys Maxamed Cumar oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-062.
3-Nuuracayn Khaliif sheekh Abuu oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-251.
4-Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195.
5-Muqtaar Axmed Xasan oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-057.
6-Xamza Saciid Xamza oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.