Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta qabtay doorashada lix kursi + Sawirro

0

BARAAWE (SMN) – Guddiga SEIT ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doorashada lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ku qabtay magaallo xeebeedka Baraawe.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah: Hop-062, Hop-251, Hop-195, Hop-187, Hop-057 iyo Hop-194, waxaana kursi ka mid ah kusoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo loo doortay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187 ee Golaha Shacabka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada xubnaha soo baxay:-

1-Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187.

2-Aweys Maxamed Cumar oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-062.

3-Nuuracayn Khaliif sheekh Abuu oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-251.

4-Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195.

5-Muqtaar Axmed Xasan oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-057.

6-Xamza Saciid Xamza oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here