Taliyihii saldhigga booliska degmada Beledweyne oo dagaal lagu dilay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo saaka ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ka dhacay gudaha saldhigga Beledweyne ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada Booliska ee ka howlgala magaaladaasi iyo kuwa Haramcad ee dhawaan la geeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan lagu dilay taliyihii saldhigga booliska Beledweyne Marxuum Maxamed Xuseen Maxamuud Duurdage, kaas oo goorta ay is rasaaseyntu dhaceysay ku sugnaa gudaha saldhigga.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ka dhashay dad lagu soo xir-xiray saldhigga, taas oo dhalisay is faham waa soo kala dhex-galay labada ciidan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana Beledweyn laga dareemayaa xiisad ka dhalatay dilka loo geystay taliyihii saldhigga booliska ee magaaladaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here