Macallin dugsi qur’aan iyo dad kale oo lagu laayay duleedka degmada Cadale

0

CADALE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay dad shacab ahaa loogu gaystay agagaarka magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Dilka oo salka ku haya aano qabiil ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay tuulada Xaaji Cali, ayada oo baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadale oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in halkaas lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo uu ku jiro Macallin dhigayay dugsi qur’aan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marka la dilayay macallinka iyo dadka la socday oo xcer ahaa ay ka yimaadeen Subac Akhris, balse loo galay waddada, kadibna la laayey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle, si gacanta loogu soo dhigo dambiileyaasha.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here