Wararkii ugu dambeeyay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay ku rogmadeen daadad xoogan.

 

Magaalada ayaa waxaa gudaha u galay biyo fara badan oo dhex ceegaaga xaafadaha oo dhan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Taliyaha Booliska gobolka Hiiraan, Isaaq Cali Cabdulle ayaa ka warbixiyay xaaladda adag ee ka jirya magaaladaasi, isaga oo sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka, isla-markaana ay soo badbaadiyeen boqolaal qoysas ah oo ku go’doonsanaa biyaha.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka, wuxuuna ugu baaqay inaan usoo gurmadaan reer Beledweyne.

Beledweyne ayaa waxaa marar badan ku dhuftay fataahado uu sameeyay wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi, balse sanadkan ayaa waxaa ugu sii darsoomay cabsida laga qabo xaaladda El-nino oo haatan laga soo saaray digniino culus, si dada uga fogaadaan hareeraha wabiyada, dhulka xeebaha u dhow iyo meelaha togaga ah, si aysan waxyeelo uga soo gaarin roobabka dabeylaha wata ee la saadaalinayo inay ka da’aan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here