Muqdisho, Soomaaliya – Madasha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hor istaagtay bannaanbax nabadeed oo ay xubnaha madashu ka abaabuleen magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in bannaanbaxaasi uu ahaa mid nabadeed, isla markaana looga gol lahaa in lagu muujiyo dareenka shacabka laga barakiciyay guryahooda, kuwaas oo sida ay sheegeen si qasab iyo sharci darro ah looga saaray deegaannadooda.
Madashu waxay sheegtay in xorriyadda bannaanbaxa iyo cabbirka aragtida shacabka ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo uu dammaanad qaadayo dastuurka dalka, isla markaana ay dowladda jebisay qodobbo muhiim ah oo la xiriira xorriyatul qowlka iyo isu imaatinka shacabka.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in tallaabooyinka lagu hor istaagay bannaanbaxa ay wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo hannaanada dimuqraadiyadeed ee dalka.
Madasha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya inay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana ay dhowrto dastuurka iyo xorriyadaha aas-aasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.





