Muqdisho – Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa war cusub kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite ee xeebta Liido iyo xiisadda maanta ka taagan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
War kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si xoog ah ku galeen Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido, isla markaana uu leeyahay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sida ay sheegeen, ciidamada ayaa hubkii ka qaaday ilaalada hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin qeybaha kala duwan ee hoteelka, iyagoo sheegayay inay wadaan baaritaanno la xiriira hub la tuhunsan yahay in halkaasi lagu keydiyay.
Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in laga fogaado falal horseedi kara iska horimaadyo hor leh.
Dhanka kale, xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa maanta kacsan, kaddib markii Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu degmada ka bilaabayo howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah. Qorshahan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib dagaallo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Wararka laga helayo degmada Cabdicasiis ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo feejignaan amni ay ka jiraan xaafado ka tirsan degmada, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan suuragalnimada in xiisaddu sii kororto.




