Madaxweynaha Galmudug oo dib u magacaabay wasiir Cabdi Waayeel

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa markale dib loogu magacaabay inuu wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi noqdo Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Qoor Qoor ayaa faray hay’adaha amniga iyo cid walbo oo ay quseyso magacaabistaan inay si dhow ula shaqeyso wasiirka dib loogu celiyey shaqada.

Cabdi Waayeel ayaa waxaa horey xilka uga qaaday madaxweyne ku xikeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, kadib xiisad ka dhalatay dhismaha golayaasha deegaanka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here