Wiil 14 sano jir ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Jowhar + sababta

0

JOWHAR (SMN) – Magaalada Jowhar waxaa xalay lagu dilay Marxuum Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow oo ahaa wiil yar oo 14 sano jir ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa qoray AK47 ah, isla-marlaana ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo dilay wiilkaasi yar ay aheyd in laga dhaco taleefan uu watay, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga oo goobta gaaray.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilkaasi, balse waxaa lagu wadaa in maanta marxuumka lagu aaso magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here