Jowhar – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar kusoo dhaweeyaymadaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Safarka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowladda Hirshabeelle, taas oo lagu qabanayo magaalada Jowhar, caasimadda maamulkaas.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Koonfur Galbeed booqashadiisa iyo imaanshihiisa magaalada Jowhar, isagoo kusoo dhaweeyay caasimadda Hirshabeelle.




