Madaxweynaha JF Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geerida Prof Gaandi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa dowlad dhiskii Soomaaliya iyo muddadii dheerayd ee uu u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo hore u soo noqday Safiir iyo Wasiirkii Difaaca ee Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Gaandi. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here