Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlayo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo dhameystirka dastuurka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shan qodob ay muhiimad siisay dowladda xogana saartay, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah lagu guuleystay, kuwaas oo kamid ah Deyn cafinta, ku biirstii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ,dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,wax kabadalka arrimaha dastuurka dalka,cunaqabateynta laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dagaalka looga xoreynayo Khawaarijta arxanka daran iyo in dalka loo sameyo Dastuur rasmi ah oo meesha laga saaro dastuurka KMG oo muddo lagu soo jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here