Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray magaalada Garoowe + Qorshaha

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Garoonka magaalada garoowe waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Xubno kamid ah golihiisa wasiirada, golaha wakiilada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shariif waxaa ka horreeyay Farmaajo oo isna shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ujeedka ayaa ah in labada madaxweyne iyo Deni ee ka wada-hadlaan xaaladda dalka iyo arrimo kale oo quseeyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda nin ayaa si weyn u diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo ay haatan ka doodayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here