Madaxweynaha Kenya oo war cusub kasoo saaray go’aankii ICJ

0

Nairobi (SMN) – Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika.”

Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda dabbaaledegga maalinta halyeeyada oo ku beegneyd shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here