Pretoria – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa maanta oo Jimce ah, 13-ka Nofeembar 2026, xarunta Madaxtooyada ee magaalada Pretoria kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalkaas, Aadam Isxaaq Cali.
Guddoominta warqadaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u asteyneysa bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee Safiirka cusub, kaas oo Soomaaliya ku matali doona Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.
Safiirka ayaa laga sugayaa inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo horumarinta danaha Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu door ka qaato daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, iyo fududeynta xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda dalkaas.
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo magacaabista safiirkan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka labada dal.



