Qaahira – Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Masar, Dr. Cabdulcasiis Qansuwa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi-baarista, gaar ahaan sidii loo kordhin lahaa fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay heli karaan ardayda Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helaan dalka Masar.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyagoo si gaar ah u soo qaaday horumarinta waxbarashada, is-weydaarsiga aqoonta iyo tayeynta xirfadaha ardayda iyo khubarada Soomaaliyeed.
Wasiirka Tacliinta Sare ee Masar ayaa sheegay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo xiriirka waxbarasho ee labada dal, isaga oo xusay in Masar ay Soomaaliya u soo bandhigi doonto fursado waxbarasho oo kala duwan oo laga heli karo jaamacadaha dalkaas, si ay uga faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan adeegyada iyo fursadaha waxbarasho ee mudnaanta u leh ardayda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Danjire Kariim Shariif, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, kaas oo door ku lahaa fududeynta iyo miro-dhalka kulanka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta.



