Juba – Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dalka iyo wasiirkii maaliyadda, sida ay warbaahinta dowladda shaacisay fiidnimadii Arbacada.
Isbeddelladan ayaa qeyb ka ah xil ka qaadisyo iyo magacaabisyo isdaba joog ah oo muddooyinkii dambe ka socday dowladda Madaxweyne Kiir.
Taliyihii ciidamada ee xilka laga qaaday, General Paul Nang, ayaa xilka hayay tan iyo bishii Oktoobar. Mudadii uu xilka joogay waxaa si weyn isha loogu hayay xaaladda amni ee dalka oo sii xumaaneysay.
Sidoo kale, wasiirkii maaliyadda Salvatore Garang Mabiordit ayaa xilka hayay wax ka yar laba toddobaad, kadib markii loo magacaabay 23-kii Abriil.
Madaxweyne Kiir ayaa General Santino Deng Wol u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada dalka. Wol oo kasoo jeeda gobolka Baxr El Gazal, halka uu kasoo jeedo Madaxweyne Kiir, ayaa lagu tilmaamaa saaxiib dhow oo Madaxweynaha la leh xiriir siyaasadeed oo adag. Waxa uu horey xilkan u soo qabtay intii u dhexeysay sanadihii 2020 ilaa 2024.
Dhanka kale, Kuol Daniel Ayulo oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha iyo maamulka ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee maaliyadda. Ayulo ayaa horey uga soo shaqeeyay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga isagoo kasoo qabtay xilal sare oo farsamo.
Koonfurta Suudaan ayaa weli wajahaysa caqabado waaweyn oo la xiriira hirgelinta heshiiskii nabadeed ee 2018-kii lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee shanta sano socday. Arrimaha wali taagan waxaa kamid ah mideynta ciidamada kala duwan iyo qabashada doorashooyin qaran oo dib u dhac ku yimid.




