Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda FAO

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here